Maamulka Puntland ayaa ku gacan seyray baaqii Farmaajo ee ahaa in shir lagu qabto garowe

 

A C-WAWAR

Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaan lagala tashan shirka uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in lagu qabanayo Garoow

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayey sidoo kale ku sheegtay inay door bideyso in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, maadama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa weji gabax ku noqonaya madaxweyne Farmaajo, oo markii horeba la rumeysnaa in sababta uu shirka u geeyey Garoowe, ay tahay inuu ka fogeeyo beesha caalamka oo qorsheyneysay in shir ay goobjoog ka tahay lagu qabto Muqdisho.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaan huri doonin in shirkan uu ka dhaco Muqdisho, waxaana suurta-gal ah inuu noqdo shir ballaaran oo laga qeyb geliyo dhinacyo badan, oo markii hore aan qeyb ka aheyn.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in shir la isugu yimaado, musharaxiinta mucaaradka waxey ku baaqeen in Farmaajo aan loogu yeeri madaxweyne waxaa kaloo jirta xan siyaasadeed oo sheegeysa in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble goobayo muddo kordhin laba sano ah iyo iney xukuumadiisa qabaneyso doorasho qof iyo cod ah

Dhanka kale Cali Mahdi oo fariin u diray  madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in farmaajo wakhtigiisu dhamaaday, lagana doonayo inuu doorasho xor iyo xalaal ah qabto ama kursiga baneeyo.

Post a Comment

0 Comments