Farmaajo wuxuu sii wadaa fulinta siyaasada iibsiga maamul gobleedyada

A C-WARAR
 

Waxaan aheyn, waan nahay, waana la joogi doonaa xorriyadda hadalka iyo xorriyadda inaan si nabad ah u mudaharaadno.Muwaadin kasta oo Soomaali ah wuxuu xaq u leeyahay inuu muujiyo aragtidiisa, sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeed waa inay garwaaqsadaan halista ay leedahay arrinta dib u dhigista doorashooyinka.

Anagu hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed ma baqeyno Siyaasada cagajuglaynta ah waxaana  sii wadi doonaa halganka waxaan  si nabad ah u mudaaharaadi doonaa

Farmaajo iyo dowladiisa si loo saxo hanaanka doorashada.Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed inay si wada jir ah u istaagaan maalinta Khamiista iyo Jimcaha soo socda si meesha looga saaro musuqmaasuqa dowlada Farmaajo

Dhinaca kale

 Marki uu Farmaajo ku guuldareystay inuu iibsado masuuliinta  Jupoland in uu iibsado wuxuu hada ku wajahan yahay in uu  heshiis qarsoodi ah oo uu la galay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Dani, si uu uga tanaasulo codadka gobolka oo uu ku taageerayo Farmaajo doorashada.

 Haddaan nahay shacabka Soomaaliyeed waxaan ku taageereynaa Siciid Dani inuu sii wado diidmadiiska qarsoon ee uu rabo farmaajo in uu ku iibsado puntland

 

Post a Comment

0 Comments