Soomaaliya oo gaartay guul taariikhi ah oo kubbada cagta ah, una gudubtay isreeb-reebka AFCON 2027

Soomaaliya

Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta 

 Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa gaaray guul taariikhi ah kaddib markii ay ka adkaadeen dhiggooda Mauritius ciyaar ka tirsanayd isreeb-reebka tartanka Africa Cup of Nations 2027 ciyaarta oo ahayd lugta labaad ayaa waqtigii caadiga ahaa ku dhammaatay barbaro goolal la’aan ah (0–0)

Iyadoo ugu dambeyn lagu kala baxay rigoorayaal

Iyadoo ugu dambeyn lagu kala baxay rigoorayaal. Xulka Soomaaliya ayaa ku guuleystay 4–2, taasoo u sahashay inay u gudbaan marxaladda xigta ee tartanka xulka Soomaaliya ee Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar adag oo ay ka muuqatay isku duubni, xirfad iyo kalsooni, taasoo si weyn uga caawisay inay jebiyaan xulka Mauritius

Guushan ayaa noqotay mid taariikhi ah

Guushan ayaa noqotay mid taariikhi ah, maaddaama ay tahay markii ugu horreysay ee Soomaaliya ay gaarto heerkan isreeb-reebka AFCON madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa hambalyo u diray ciyaartoyda iyo macallimiinta xulka Soomaaliya, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda iyo hoggaamintooda guusha horseeday

Wuxuu sidoo kale bogaadiyay shaqada wafdiga xulka ee taageerada joogtada ah siiyay kooxda inta lagu jiray tartanka dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna hambalyo u diray xulka qaranka, isagoo sheegay in guushan ay muujineyso kartida iyo hibada dhalinyarada Soomaaliyeed

Isla markaana ay dhiirrigelin u tahay horumarka ciyaaraha iyo mideynta bulshada tartanka Africa Cup of Nations 2027 ayaa la qorsheeyay in si wadajir ah ay u martigeliyaan dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania

Guushaan ayaa si weyn u farxad gelisay taageerayaasha kubadda cagta Soomaaliya, iyadoo loo arko tallaabo muhiim ah oo dhanka horumarka ciyaaraha ah, taasoo sare u qaadaysa rajada mustaqbalka xulka qaranka

Post a Comment

2 Comments

  1. guul taariikhi ah ayay gaareen wiilasheenii marwalba garabkiina ayaa nahay

    ReplyDelete
  2. Dhalinyarada soomaaliyeed iyagoo garab ka heleyn dowladda ayay guulo waaweyn soo hoonayaan halka dowlada ay iskagaga mashquushay xukun jaceyl iyo in dastuurka lagu tunto

    ReplyDelete