La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Aways Yuusuf Axmed, ayaa si adag uga jawaabay eedeymo kasoo yeeray maamulka Koonfur Galbeed oo sheegaya in Dowladda Madaxweynaha Xasan Sheekh ay xiriir la leedahay Al-Shabaab qoraal uu soo saaray la-taliyaha ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada, isla markaana uu hormuud ka yahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab
La taliyaha amniga qaranka wuxuu xusay
La taliyaha amniga qaranka wuxuu xusay in dowladda federaalka ay dhowaan kordhisay howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda, taasoo uu sheegay inay keentay guulo. Wuxuu sidooo kale in dhaqaale ahaan si weyn loo wiiqay Alshabaab
Arrintan ayaa imaanaysa maalin kadib
Arrintan ayaa imaanaysa maalin kadib markii Koonfur Galbeed ay cambaareeyeen waxay ku tilmaameen heshiisyo qarsoodi ah iyo wada-shaqeyn ka dhexeeya dowladda federaalka iyo Al-Shabaab
Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in ay jiraan caddeymo muujinaya isku milan iyo wada-shaqeyn dhinaca saraakiisha iyo agabka militari ah, inkasta oo maamulka Koonfur Galbeed uusan soo bandhigin caddeymaha lagu xaqiijinayo eedeyntaas

0 Comments