Puntland oo ka digtay safarka madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagayo magaalada Laascaanood

madaxweyne Xasan Sheikh

Puntland ayaa ka digtay safarka uu madaxweynaha Soomaaliya

 Puntland ayaa ka digtay safarka uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tagayo magaalada Laascaanood ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, halkaas oo la sheegay inuu uga qeybgalayo caleemo-saarka madaxweyne Firdhiye wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku howlan yahay kicinta colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo dadka ka dega gobolka Sool

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ciidamo ku daabulayo gobolka Sool, si ay dagaal ula galaan Somaliland, isaga oo tixraacaya go’aankii dhawaan Dowladda Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland beelaha Dhulbahante iyo Isaaq waa in ay ka digtoonaadaan colaadda uu Xasan wado

Ma jirto deris cid idiin beddelaysa; Dhulbahante guuri maayo

Ma jirto deris cid idiin beddelaysa; Dhulbahante guuri maayo, Isaaqna ma guurayo. Dantooda waxay ku jirtaa in mid walba iimaansado dhulkiisa,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland sidoo kale, Caydiid ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qorsheynayo in degaano ka tirsan Puntland uu heshiis kula yeesho Turkiga si saldhigyo milatari looga dhiso, taasoo uu sheegay in ujeedadeedu ay tahay in laga abuuro colaad cusub gobolka Geeska Afrika

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Xasan, oo uu ku tilmaamay mid ku fashilmay amniga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, uu doonayo in xasilooni-darro loo soo raro gobollada nabdoon ee isku tashiga sameeyay hadalka ka soo baxay Puntland ayaa kusoo aadaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh la filayo inuu toddobaadkan safar ku tago magaalada Laascaanood, oo u jirta 100 km caasimadda Puntland ee Garowe

Si uu uga qeyb galo caleemo-saarka madaxweyne Firdhiye, farriinna uu u diro caalamka, taasoo ah in dowladda Soomaaliya ay ka taliso qaybo ka mid ah gobollada Waqooyi ee uu sheegto Somaliland

Post a Comment

0 Comments