Khilaafka Ahlu Sunna iyo Mukhtaar Roobow oo kasii daray


Ahlu suna iyo roobow

 Khilaafka u dhexeeya culimada Ahlu Sunna Waljamaaca

Khilaafka u dhexeeya culimada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa sii xoogeystay, waxaana arrinta uga sii daray shirka culimada ee haatan ka socda Muqdisho, kaas oo aysan qayb ka ahay Ahlu Sunna Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo kamid ah culimada Ahlu Sunna ayaa sheegay inay iska diideen ka qayb-galka shirweynaha culimada wuxuuna sababta ku sheegay in la dhaqan-geli waayay qodobo kasoo baxay shirkii hore oo ay ka qayb-gashay Ahlu Sunna

Sidoo kale wuxuu eedeymo culus u jeediyay wasiir Mukhtaar Roobow

Sidoo kale wuxuu eedeymo culus u jeediyay wasiir Mukhtaar Roobow oo uu sheegay inuu burburiyay guddigii sare ee culimada, sidoo kalena uu abuuray khilaafaad ka taagan qaar kamid ah masaajidda ay maamulaan Ahlu Sunna oo la’isku haysto Annaga lama shaqeyn karno Mukhtaar Roobow, inta uu wasaaradda joogo lama shaqeyneyno shirkii hore maadaama wixii kasoo baxay la burburiyay wax macno ah masoo kordhineyso inaan hadda tegno shirka socda” ayuu yiri Sheek Soomow

Sheekha ayaa si cad u sheegay in aanay la shaqeyn karin

Sheekha ayaa si cad u sheegay in aanay la shaqeyn karin wasiirka hadda jooga ee wasaaradda diinta iyo awqaafta, wuxuuna ugu baaqay madaxda dalka inay arrintaan soo farogeliyaan si xal loogu helo ciddii shalay gaalo aa tihiin noo dileysay in bariga haddane hoggaankiina diinta waayey nala yiraahdo nama qabato madaxda qaranka laba sano waan u adkeysaneynay waxaan ka rajeyneynaa inay arrintaasi dib u fiiriso” ayuu mar kale yiri Sheekh Soomow

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay wasiirka inuu xoogga saaray oo kaliya fikirkiisa iyo sidoo kale culimada ku fakirka ah, isla markaana ay meesha ka baxday taladii la wada lahaa ahlu Sunna Waljamaaca kuma qanacsana wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow waxaa moodaa inay ku jirto caadifad oo uu wasiirku xoogga saaraayo inuu isagu fikirkiisa iyo inta ku fikirka uu culimo u yaano, inta kalena aanu u aqoonin” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Culimada waxaan leeyahay midnimo halagu dadaalo waxa laga shaqeynaayana ha noqdaano fikirka wasadiga in dadka la gaarsiiyo oo saxda ah

Post a Comment

0 Comments