Tababaraha Pep Guardiola ee kooxda Manchester City
Tababaraha Pep Guardiola ee kooxda Manchester City ayaa qirtay in hanashada horyaalka Premier League aysan hadda gacantooda ku jirin Manchester City waxay hadda 7 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal, inkastoo City ay hal kulan ka yar ciyaartay Arsenal
Kooxda Guardiola kulankii ugu dambeeyay
Kooxda Guardiola kulankii ugu dambeeyay waxay 2–2 barbaro kula galeen Nottingham Forest garoonka Etihad, halka Arsenal ay 1–0 kaga adkaatay Brighton & Hove Albion Guardiola oo ka hadlayay ka hor kulanka wareegga 16-ka ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Real Madrid ayaa yiri
Waa wax laga xumaado in horyaalka Premier League
Waa wax laga xumaado in horyaalka Premier League uusan gacanteenna ku jirin. Barbaradii Nottingham Forest waxay ahayd hoos u dhac weyn “Ha ka fikirina arrintaas si badan. Aan soo kabanno, aan u safarno Madrid, oo aan sameyno xulasho fiican
Waxaan rajeynayaa inaan u dhaqanno sida kooxda aan nahay. Kama hadlayo guul ama guuldarro, balse waxaan rabaa inaan noqono sidii aan nahay—shakhsi ahaan iyo koox ahaan Mar kasta taas ayaan diiradda saaraa marka aan la ciyaareyno kooxo waaweyn iyo kulamo waaweyn
Kadib waxaad guuleysan kartaa ama waad guuldarreysan kartaa, lama oga. Laakiin hadafka ugu weyn ee maskaxdayda ku jira waa taas. Ciyaartoyduna way ogyihiin, mar walbana waan ku celceliyaa
Tababaraha Pep Guardiola ee kooxda Manchester City ayaa qirtay in hanashada horyaalka Premier League aysan hadda gacantooda ku jirin Manchester City waxay hadda 7 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal, inkastoo City ay hal kulan ka yar ciyaartay Arsenal pic.twitter.com/JW7cBuzeLs
— Somalia Today (@SomaliaToday24) March 10, 2026

0 Comments