Real Madrid ayaa laga reebay Copa del Rey
Real Madrid ayaa laga reebay Copa del Rey kaddib markii ay guuldaro 3–2 kala kulantay Albacete kulankii wareegga 16-ka, kaas oo lagu qabtay garoonka Carlos Belmonte Albacete ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 42-aad, kaddib markii Javi Villar uu madax ku dhaliyay kubbad ka timid koorno, taas oo uu dhaafiyay goolhayaha Andriy Lunin
Daqiiqaddii 45+3-aad, Real Madrid ayaa dhalisay goolka
Daqiiqaddii 45+3-aad, Real Madrid ayaa dhalisay goolka barbaraha. Kubbad koorno ah ayaa la soo tuuray, Hausen ayaa madaxa ku dhuftay balse goolhayaha ayaa marka hore badbaadiyay, ka dibna Franco Mastantuono ayaa raaciyay kuna dhaliyay shabaqa
Daqiiqaddii 82-aad, Albacete ayaa dhalisay goolkeedii
Daqiiqaddii 82-aad, Albacete ayaa dhalisay goolkeedii labaad, kaddib markii Gonzalo García uu iska bixiyay kubbadda, taas oo gaartay Jefty Betancur, kaas oo toogtay kubbad dhulka ku dhacday una gashay shabaqa
Real Madrid ayaa markale barbaraha keentay daqiiqaddii 90+1-aad, kaddib koorno uu soo tuuray Arda Güler, halkaas oo Gonzalo García uu si xirfad leh madax ugu dhaliyay gool si kastaba ha ahaatee, Albacete ayaa dhalisay goolka guusha daqiiqaddii 90+5-aad, waxaana mar kale shabaqa soo taabtay Jefty Betancour

0 Comments