Sheekada nin qashinka nadiifin jirey oo maanta haysta malaayiin doolar

nin qashinka

Ben Giles, oo ah nadiifiye khabiir ah, ayaa 25 sano

 Ben Giles, oo ah nadiifiye khabiir ah, ayaa 25 sano ay ku qaadatay inuu barto xirfadda lagu tirtiro nooc kasta oo wasakh ah ha ahaato mid ka dhalatay wax daatay, qashin, dhaawacyo ama hadhaaga goobaha dambiyadu ka dhacaan Ben, oo hadda 49 jir ah, markii uu bilaabay inuu daaqadaha ka nadiifiyo magaalo yar oo ku taalla galbeedka Wales, marnaba ma filayn in arrintaas ay u horseedi doonto ganacsi malaayiin doollar ah

Kaddib markii uu si kadis ah ogaaday in lacag badan

Kaddib markii uu si kadis ah ogaaday in lacag badan laga samayn karo nadiifinta meelaha uu qof ku dhintay ama musqulaha buux dhaafay ee wasakhda ah Ben wuxuu daaqadaha ka nadiifinayay magaalada Cardigan, oo ku taalla Ceredigion, markii mid ka mid ah macaamiishiisu uu weydiistay inuu nadiifiyo guri aan la degin muddo 10 sano ah isaga oo aan xiran wax aaan ka badan maaskarradii gacmaha iyo wejiga ah, ayuu nadiifintaas bilaabay waana halka uu ganacsigiisu ka dhashay 

Ben wuxuu sheegay in markii uu albaabka furay 

Ben wuxuu sheegay in markii uu albaabka furay gurigaas uu wajahay ur aad u xun oo keentay in mid ka mid ah raggii ka caawinayay shaqadan uu matago, isaga oo xidhan maaskarahii wejiga "Waxaan khasab noqotay inaan maaskii ka siibno, matagii oo dhan dhulka ayuu ku daatay, markaas waa inaan nadiifinnaa matagii isaga iyo guriga intiisii kaleba," ayuu Ben si kaftan ah u yidhi Ben waxa uu shaqadii ka helay biil dhan £2,000 taas ayaana ahayd markii uu gartay inuu helay "meel dahab ah oo lacag badan laga samayn karo

Waxaan is niri, haddii aan intan ku kasbeynayno nadiifinta sidan oo kale ah, maxay noqon kartaa tan ugu xun ee aan nadiifin karno? Ugu dambayn, waxaan go'aansanay inaan wax walba nadiifinno Shaqadoodii ugu horreysay waxay ahayd nadiifinta guri uu nin ku dhintay, kaasoo la helay laba bilood kadib geeridiisa jidhkiisu wuu qudhmay ilaa uu ka dhex milmay roogga, dabaqa alwaaxda ah, xitaa wuxuu gaaray sibidhka hoostiisa, dheecaankiisii

Markii aan albaabka furnay, duqsiyaal buluug ah ayaa si xoog leh noo dhaafay. Ma garanaynin in ay sideen cudurro, waana inaan isku daynaa inaan ka soo saarno dareerihii jirka ee siddeed toddobaad ku jiray sibidhka dhexdiisa," ayuu yiri Ben waxay ahayd hawl aan khibrad u lahayn si fudud waa tijaabo iyo nasiib waan xasuustaa inaan qalab urta badhxaya ku dhajisannay sanka hoostiisa si aanu u yareyno urta. Mid ka mid ah wiilashii ayaa qufacay, labo xabbadood oo liin maqaar ah ayaa ka soo baxday maaskiisa 

Wuxuu gashtay maqaar liineed ah si uu isaga dedo urta! Ben wuxuu tababaray ku dhowaad 3,500 oo qof, balse wuu qirtay in aysan ahayn shaqo qof walba u fudud mararka qaar way adagtahay in la illaawo wixii la arkay, waxaana jira kiisas qaar oo maskaxdiisa ku hadhay sanado badan mid ka mid ah kiisaskaas wuxuu ahaa nin si xun garaacay xaaskiisa weliba si naxariis darro ah, kagana tagay guriga muddo saddex maalmood ah, ilaa deriskooda ay heleen — iyadoo weli nool balse ay ku dhimatay intii lagu sii waday isbitaalka intii aan shaqadan hayay, waligay ma arag wax sidan u xun," ayuu yiri Ben

Markii uu gudaha u galay, waxaa horteeda yaallay muuqaal argagax leh, dhiigguna wuxuu ku firdhay dhamaan gidaarrada iyo dusha sare ee guriga waxay ii ahayd dhacdo murugo badan heerar badan oo kala duwan ah. Aad ayaan uga naxay haweeneydaas labadooduba waa dad xirfadlayaal ahaa. Ilaa hadda ma fahmin waxa qof ku qasbi kara fal sidan u madow oo uu nolosha qof kale uga qaado sudaa arxan darrada ah maskaxdayda ma rabo inaan dib u xasuusto fikir noocaas ah waxay ahayd xaalad mugdi ah

Post a Comment

0 Comments