Maxay tahay khatarta beeraha kafeyga ee Kenya soo food-saartay?

beeraha kafeyga ee Kenya

Dhulka sare ee cagaarka ah ee Komothai oo ka tirsan

 Dhulka sare ee cagaarka ah ee Komothai oo ka tirsan gobolka Rift Valley ee Kenya, beeralleyda sida Simon Macharia waxay soo saaraan abuur yar oo kafey ah oo ku kala firirsan buuraha Mr Macharia si la mid ah beeralleyda kale ayaa jawaanno ay ku jiraan miraha guduudka ah ee kafeyga geeya meelaha lagu warshadeeyi, halkaasoo lagu cabbiro laguna hagaajiyo mashiin ayaa ka saareysa qolfaha guduudka ah, miraha gudaha ku jira ayaana la dhaqaa waxayna maraan heerar kala duwan

Halkan, shaqaalaha ayaa miraha kafeyga u kala saara

Halkan, shaqaalaha ayaa miraha kafeyga u kala saara heerar, kan ugu sarreeya ayaa loo dhoofiyaa maqaayadaha kafeyga ee Yurub waxaan kafeyga ugu yeernaa dahabka madow halkan," ayuu BBC u sheegay Mr Macharia, oo beertiisa ay ku fadhiso dhul dhan 2.5 hiktar (lix acres) Wuxuu soo saaraa kafeyga nooca AA ee Kenya, oo adduunka qiimo sare ka joogo sababo la xiriira tayadiisa sare, dhumucdiisa buuxda, caraftiisa saa'idka ah iyo dhadhankiisa Dalagga 

Wuxuu ka mid ahaa kuwa dhulalkaas sare 

Wuxuu ka mid ahaa kuwa dhulalkaas sare ee cagaarka ah tan iyo sanadihii 1890meeyadii, markii gumeysigii Ingiriiska ee halkaas degganaa ay bareen dadka deegaanka haatan, dhulkan wuxuu caan ku yahay kafeyga aadka loo ammaanay ee u gaarka ah in la beerto miraha waa shaqo culus - soo gurista, jarista, hagaajinta dhulka, buufinta, bacriminta iyo rarista dalagga kafeyga wuxuu u baahan yahay inaad diirad buuxda saarto, gaar ahaan marka ay bilaabaan inay soo baxaan," ayuu yiri Mr Macharia

Laga soo bilaabo xilligaas ilaa maalinta aad guraneyso lixdaas bilood, shaqadaada joogtada ah waa beerta geedka kafeyga maalgashi weyn ayuu u yahay beeralleyda aan lacagta heysan, maaddaama ay afar sano qaadan karto in miruhu bislaadaan qiimaha halka koob ee kafey ee maqaayad ku taalla Yurub, oo caadi ahaan ah $4 (£3.20), ayaa muujineysa farqiga weyn marka loo barbardhigo inta ay helaan shaqaale badan oo beeraha kafeyga Kenya ka shaqeeya, oo maalintii sameeya ugu badnaan $2.30

Edita Mwangi, oo miraha kafeyga kasoo gurta dhulka guduudan ee buuraha oo ka korreeya warshadda lagu hagaajiyo, ayaa tan xaqiijineysa ma oga abaarta aan la daalaa dhaceyno. Waa inaad harjaddaa maalin iyo habeen si aad u badbaaddo," ayay tiri iyadoo afar carruur ah ay ku tiirsan yihiin, Ms Mwangi ayaa shaqeysa toddobaadkiiba lix maalin, iyadoo hesha ilaa $1.40 maalintii waa inay lugeysaa 5km (saddex meyl) si ay u gaarto beerta ay ka shaqeyso

Post a Comment

0 Comments