Gabriel Martinelli lama yaabin in xiddiga
Gabriel Martinelli lama yaabin in xiddiga ay isku dalka yihiin ee u ciyaara kooxda Chelsea Estevao uu si deg-deg ah ula qabsaday Chelsea Estevao waxa uu Chelsea kaga soo biiray kooxda reer Brazil ee Palmeiras xagaagan heshiiskaas oo lagu qiimeeyay lacag bilow ah oo ah £29 milyan
Wiilka 18-jirka ah waxa uu noqday ciyaaryahan
Wiilka 18-jirka ah waxa uu noqday ciyaaryahan si degdeg ah ula qabsaday kooxda waxaana goolkii uu ka dhaliyay Barcelona Salaasadii uu noqday goolkiisii shanaad ee xilli-ciyaareedkan Martinelli, oo Axadda wajihi doona Estevao marka Arsenal ay u safreyso Chelsea lama uusan yaabin heerka qaab ciyaareedka ee xiddigu soo bandhigayo
Garabka Arsenal ayaa si fiican u yaqaanna xiddiga
Garabka Arsenal ayaa si fiican u yaqaanna xiddiga Chelsea maadama ay u wada ciyaaraan xulka qaranka Brazil lama uusan yaabin in uu xiddigu si fiican u ciyaarayo Martinelli wuxuu yiri: “Waa wiil wanaagsan, qoyskiisuna sidoo kale waa dad fiican
Wiilku aad buu u fiican yahay, dhammaan kooxda qaranka ayaana jecel. Wuu istaahila wax kasta oo uu qabto — aniguna waxaan rajeynayaa kaliya inuusan Axadda maalintiisa wanaagsan helin!

0 Comments