Maxay tahay sababta uu cunnada Soomaalida u jeclaaday cayaartoygan ka cayaara horyaalka NBA

Dhaqalaha


Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay hadal

Hadal-hayn badan ayaa ka dhalatay hadal dhawaan ka soo yeedhay ciyaaryahanka reer Maraykanka ee caanka ku ah kubadda kolayga oo la yidhaahdo Jaylen Brown oo ku ku saabsan cunno-Soomaalida ciyaaryahankan oo ka jawaabayay weydiin ahayd nooca cuntada uu jecel yahay ayaa sheegay in uu xiiseeyo oo ay dookha kowaad u tahay cuntada Soomaalidu

Waxa aan jeclahay cuntada Soomaalida

Waxa aan jeclahay cuntada Soomaalida. Waxaan leeyahay saaxiibbo wanaagsan oo Soomaali ah. Waa dookhyaga kowaad, gaar ahaan xilliyada afurka ee bisha Ramadan" ayuu yiri Jaylen Brown oo ah cayaaryahan Muslim ah Jaylen Brown waa ciyaartoy kubbadda koleyga ku caan baxay oo ka tirsan naadiga Boston Celtics. Sannadkii 2016 kii oo ciyaaraha ku soo biiray ilaa iyo hadda waxa jabiyay rikoodho dhowr ah, waxaana lagu yaqaan orodka, awooddiisa gool-dhalinta iyo xirfadihiisa difaacashada. Brown waxa uu muddo dheer ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Celtics, isagoo kasbaday bilado dhowr ah islamarkaana kooxda ku hoggaamiyay guulo is daba joog ah

Bulshada Soomaalidu dhaqan ahaan waxa

Bulshada Soomaalidu dhaqan ahaan waxa ay leedahay cunno-dhaqmeed la yaqaanno oo badankoodu ka kooban noocyada kala duwan ee dalagga, kuwaasi oo ay ugu magac dheer yihiin, soorta, massagada, dhigirta ama cambuulada iyo noocyo kale. Waxa jira halqabsi faafay oo ah cad iyo caano oo loo jeedo cuntada laga helo xoolaha oo muddo dheer ahaa insha ay Soomalidu nolol ahana ku tiirsan tahay. Waxaa se jira cuntooyin laga soo dhoofiyo dibadda oo ay bulshada Soomaaliyeed si maalinle ah ugu tiirsan tahay. Waa ugu horreeya bariiska iyo baastada oo aan sinaba uga maqnayn nolol-maalmeedka qofka Soomaaliga ah.

Idil Tahliil Maxamuud waa khabiir ku takhasusay nafaqaynta waxa ay BBC-da ugu warrantay qaybaha ay ka kooban tahay noocyada badan ee la isku yidhaahdo cunno-Soomaali Cunnooyinka Soomaalida waxa ay u badan yihiin waxyaabaha ka soo baxa dhulka ee la dalagga loo yaqaan sida gallayda, magagada, qmadiga, hilibka iyo caanha. Soomaalidu waxay inta badan ugu yeedhaan cad iyo caano. Waxa kale oo ay isticmaalaan khudaarta oo ay ku jiraan, muuska iyo cambaha iyo kuwa la karsado, sida bocorka, koostada iwm. Cunno Soomaali markii la yidhaa waxa sidoo kale qofka ku soo dhacaya kalluunka

Post a Comment

0 Comments