Labada Gole BF oo qaaday tallaabo kale oo la xiriirta doorashooyinka

Gole BF

Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya 

 Xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay xeerka dhismaha ururada iyo xisbiyada siyaasadda ee ka qayb-galaya doorashada dhamaan xildhibaannada soo xaadiray kulanka ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerkaan, wwxaana ogolaatay 177 Xildhibaan

Ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay

Ma jirin Xildhibaan diiday ama aamusay, sida uu shaaciyay guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sidoo kale u mahadceliyay labada gole oo tallaabo kale u qaaday doorashada qof iyo codka ah

Sabtidii ayaa sidaan oo kale ay xildhibaanada labada Gole

Sabtidii ayaa sidaan oo kale ay xildhibaanada labada Gole u meel-mariyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo sohdimaha, kaas oo ay isna si aqlabiyad leh ku ansixiyeen xildhibaannada Golaha Shacabka iyo senatorada Aqalka Sare tallaabooyinka baarlamaanka uu qaaday ee la xiriira doorashooyinka 

Waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka oo sheegay in waddada loo maray dhismaha guddiga doorashada ay tahay mid ka hor imaaneyso dastuurka KMG ah kulamada Baarlamaanka oo uu horay u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dardar ku socdo

Waxaana qorshaha ugu wayn uu yahay hirgelinta doorashada ee qof codka ah ee ay go’aamiyeen xubnaha golaha wadatashiga qaranka qorshahan ayaa dhaliyay xiisad xoogan, kadib markii ay ka biyo diideen Saciid Deni, Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladda dhexe

Post a Comment

0 Comments