Farmaajo waxa uu kordhiyay tirada ciidamada ku sugan magaalada Muqdisho iaga oo adeegsanaayo ciidamadii lagu soo tababaray dalka Turkiga

 


A C-WARAR

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho laga soo dejiyey cutubyo ka tirsan ciidanka Gor-Gor oo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga, kuwaas oo diyaarad militeri ay ka soo dejisay garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Maxamad Cabdulahi Farmajo ayaa lagu eedeeyaa in dowladiisa ay ciidamadaan u isticmaasho in eey ku caburiso shacabka iyo in eey ku sifeeyso mucaardka

Farmaajo wuxuu isku dayayaa inuu ul bir ah ku xakameeyo dhaqdhaqaaq kasta oo mucaaradka Muqdisho ka socda.

Taageerada milateri ee Turkiga way dhaaftay wixii lagu heshiiyey waxayna noqotay taageero shaqsiyeed si xukunka u sii wado farmaajo

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha Nabad sugida Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku fashilinayaan shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Afisyooni ee gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay doonayaan in shirka uu ku soo dhammaado sida iyagu ay rabaan,islamarkaana meesha laga saaro rabitaanka madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Axmed Madoobe iyo DENI ayaa ayaa dalbaday in shirka uu ka dhaco xarunta Xalane oo ammaankeeda si weyn u ilaaliyaan ciidanka AMISOM, ka dib markii ay u baqeen amnigooda.

Shirka oo lagu dhammeystirayo heshiiskii 17-kii September, kaas oo lagu aadayo doorasho loo dhan yahay.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in shirkan Xalane uu yahay shirqool loo dhigayo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku kacsan Villa Soomaaliya.


Post a Comment

0 Comments