Safiirka Qatar u jooga Muqdisho
Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay magaalada
Muqdisho ka waday kulamo gaar ah oo uu la yeelanayay qaar ka mid ah
siyaasiyiinta beelaha Muqdisho.
Xogta
kulamada safiirka oo ay A C- heshay ayaa
sheegeysa in uu ka codsanayay in la taageero dadaalka ay dowladdiisu ku
bixineyso dib-u-doorashda madaxweyne Farmaajo.
Ilaa
lix wasiir oo ka mid ah xukuumadda Rooble, madaxda maamullada, saraakiil ciidan
iyo dad saameyn leh oo uu la kulmay ayuu safiirka u gudbiyay farriin isku mid
ah oo ahayd in “Qatar ay dhaqaale ahaan u taageereyso olelaha Farmaajo, balse
uu doonayo inuu abaabul ahaan uu ku tiirsanaado beesha Muqdisho.”
Danjire Hamza oo aan looga baran
kulamada nuucaan ah ayaa dadkii uu la kulmay waxaa kamid ahaa wasiirka amniga
gudaha Xasan Xundubeey Jimcaale oo uu kala hadlay sida looga adkaan karo
musharrixiinta ay isku heybta yihiin ee sida adag u mucaaradsan maamulka
Farmaajo.
A C- ayaa ogaatay in waxaabaha uu wasiirka la soo qaaday safiirka ay qeyb
ka ahayeen “awood ciidan” oo ay suurtagal tahay in loo baahdo haddii natiijada
doorashada muran ka yimaado si loo xaqiijiyo amniga safaaradda Qatar xilligan
uu walwalka amniga kor u sii kacayo.
Laba kulan oo kale oo uu safiirku la
galay saraakiil hore oo ciidan iyo mas’uuliyiin hore balse la xulafo ah
maamulka hadda jira ayuu isla arrinkan weydiistay isaga oo ballan qaaday in
dowladdiisu diyaar u tahay taageere dhaqaale oo arrinkan lagu bedelanayo.
Danjire Hamza oo kaashanaya safiirka
Turkiga ayaa kulan ay horraantii bishii Janaayo la galeen Ra’siiul Wasaaraha u
sheegay in ay saaxiibo ku dhex leeyihiin beesha caalamka,
isla markaana ku
qancin doonaan in madaxweynaha looga dambeeyo arrimaha doorashada. Hase yeeshee
arrinkaas ayaa suurtagali waayay kadib markii safiirada Mareykanka, UK iyo kan
QM ay kasoo horjeesteen, soona saareen qoraallo u muuqda in lagu amrayo madaxda
dowladda, beesha caalamkana isugu muujineyso inay leedahay go’aanka kama
dambeysta ah.
labadaan dal ayaa si weey u taageero farmaajo iyagoo adheegsanaayo fahad
yasiin waan labada dal ee somaliya ka dagi ladahay
0 Comments