Muqdisho: dibadbax ka dhan ah doorashooyinka aan qabsoomin oo ka socda.


A C-WARAR

Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday  isu soo bax lagu muujinayo in Dowladda Federaalka ku guuldareysatay qabashada Doorashooyinka lagu heshiiyay 17-ka September 2020 & sababta keentay in laga gudbi waayay caqabadaha hortaagan.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Muqdisho, Odoyaasha dhaqanka & Siyaasiyiin la magac baxay Golaha Badbaadinta Qaranka ayaa sheegay in ay wadaan abaabulka dibadbaxyo nabadeed oo bilaabanaya maanta oo Talaado ah.

Isu soo baxyada oo saacadihii lasoo dhaafay abaabulkiisa ka socday Muqdisho ayaan la ogeyn in ay ogolaaneyso Dowladda Federaalka, maadaama Wasaaradda Amniga dhawaan ay shaacisay in Caasimadda lagu qaban Karin dibadbax aysan ka warqabin.

Dibadbaxyada dhacaya waxa uu Shacabka kusoo bandhigaya xuquuqda Dastuuri, maadaama aysan muuqan qabsoomidda Doorashooyinka lagu heshiiyay, sidaas awgeed laga bilaabo 9-ka Federaayo 2021 waxaa dhacaya isu soo baxyo nabadeed oo lagu muujinayo in loo baahan yahay qabashada Doorashada oo 4-tii sano mar la qabto” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha la magac baxay badbaadinta Qaranka.

Muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa idlaaday shalay oo Isniin ahayd 8-ta Febaraayo 2021, waxaana muuqan xili rasmi ah oo la sheegi karo in ay dhaceyso Doorashada lagu heshiiyay 145-Cishe kahor waa 17-kii September 2020.

 





Post a Comment

0 Comments