Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay fashilka farmaajo

 

A C-WARAR

Farmaajo ayaa waqtiga uu ka dhacay, mana cadda sharciyadda uu hadda ugu sii fadhiyo kursiga, kadib markii uu dhameystay afartiisa sano oo ku ekeyd xaley

Musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaanada raacsan ayaa galabkii Axadda illaa fiidkii hore ee Axadda yeeshay kulamo kala duwan, waxayna isku raaceen in xalka noqdo in lala hadlo guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, si uu talada dalka isaga ula wareego.

  Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu fashilmo shirkii ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Shirkaas u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo socday saddex maalmood ayaa lagu kala tegay kadib markii xal laga gaari waayey cidda maamuleysa doorashada ka dhaceysa gobolka Gedo.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa walaac ka muujiyay in waqtigii golayaasha dowladda oo dhammaaday qaar in aan haddana weli wax is afgarad ah laga gaarin doorashooyinkii dalka.

Somaliya haddii aad fiirino Shirkii Dhuusamareeb halkii uu ku dhamaaday, Natiijadii Shirkii shalay ee Baarlamaankii hore, Rajadii Doorashada laga qabay, Dareenka Dadweeynaha, Nabadgalyo xumida Dalka ku baahday, Dhaqaalihii oo hoos u dhacay iyo Shaqa la’aanta, Fashilka Siyaasadda Dibadda iyo Guul darooyin kal

Haddii intaa iyo in kale la isku geeyo waxaa muuqanee in ey muhim tahay in isbedel uu Dalka ka dhaco. Madaxdii hore ee fursadahooda ka faa”iideysan weeyday, waxaa iyana cad in aan rajo laga qabin in ey xal keenaan, Saacaddii ey sii joogaana ey khatartu sii badanee.waxaa haboon:

Waxaa haboon in Madaxdii hore ee waqti xileedku ka dhamaaday in ey Xafiisyada Baneeyaan, kadibna Talada Dalka lagu wareejiyo Guurti Somaliyeed oo ka kooban 50 Ruux oo kala ah: Labada Gudoomiye ee Labada Aqal, 5 ta Madaxweyne Maamul Gobaleed, Xubno matalaya Musharixiinta, Xubno ka socdo, ururada Bulshada, Haweenka, Culumada, Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka, dhaliyarada, Ganacsatada.

kadibna 50 kaa Ruux ee la diyaariyay ey soo diyaariyaan, habka wadanku u badbaadayo iyaga oo ka fogaanayo Faragalinta wadamada kale. Adigana Maxey kula tahay?

 

 


Post a Comment

0 Comments