Diidmada qabaa’ilka ku nool dhammaan gobollada federaalka inay wadahadal la yeeshaan Farmaajo taasoo ka dhalatay siyaasaddiisa midab kala sooca.ah

 


A C-WARAR

Colaadaha uu Farmaajo ka dhex abuuray shacabka Soomaaliyeed, dulmiga, dilalka, dhagarta iyo falal kale oo badan oo uu kula kacay shacabka Soomaaliyeed waa inay la xisaabtamaan beesha caalamka isla markaana Farmaajo lagu ciqaabo cabudhinta uu ku hayo dadkiisa.

Farmaajo ayaa khilaaf ka dhex abuuray Maamul Goboleedyada dalka, si uu u weeciya deraanka bulshada ee ku aadan arrimaha doorashooyinka dib u dhaca ku yimid iyo tooshka isaga ku ifsan.

Farmaajo ayaa  Bishii la soo dhaafay ku casuumay madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb-galaan shirka golaha amniga Qaranka, kaasoo wadatashiyo ballaaran looga yeelanayo arrimaha doorashooyinka, amniga, dagaalka ka dhanka ah dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab , dhammeystirka Dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Hase yeeshee, waxaa arintaas ka biya diiday golaha Wakiilada Puntland oo dhawaan ka soo horjeestay matelaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banaadir iyo xeerka doorashooyinka dalka, iyagoo Madaxweynaha Puntland usoo jeediyey inuu ka baaqsado Shirkii Muqdisho.

Fursadaha uu aaminsan yahay inuu Farmaajo lumiyay waxaa ka mid ah inuu mideyn waayay umadda kala irdhowday, sidoo kalana uu wax ka badali waayay nidaamka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Inuu lumiyay mideynta umadda kala irdhowday oo uu tago magaalo walba, dadka la fariisto, si la isku saamaxo, una hirgaliyo doorasho dhab ah.

Inuu lumiyay fursad uu wax uga badalo nidaamka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyo inuu doorasho guud dalka dhan ka hirgaliyo.

 Inuu lumiyay taageeradii faraha badnaa oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayeen, oo aanu helin madaxweyne ka horreeyay, wuxuuna helay taageero shacbi ah oo weyn.

Inuu lumiyay fursad uu ku dhisi karay ciidamo qaran iyo sugidda amniga iyo inuu wax ka qabto amniga magaalada Muqdisho

Qaswade

M_Farmaajo

 wuxuu wadaa inuu gebi ahaanba wadanka u dhiibto siyaasiyinta ku shaqeeya qorshayaashisa guracan ee ku saabsan inuu awood u yeesho maamulo somalia waana sababta sababta keenysa inuu jubaland iyo yland u arimen cadowgisa talisay


Post a Comment

0 Comments